Magacaygu waa Becky Alper

Ololahaygu waxa uu gudiga Jardiinooyinka ku soo kordhinayaa isbedelka muddo dheer loo baahnaa iyo in ay xaafaduhu wakiil ku yeeshaan gudiga loona soo dhaweeyo ra’yigooda oo aan horay loo dhageysan jirin.  Waxa aan toban sano ka soo shaqeeyey arrimaha gaadiidka iyo isticmaalka dhulka ee magaalooyinka mataanaha ah. Waxaa i taageeray 55% xubnaha DFL codkii ay u qaadeen June Gudiga Jardiinooyinka.

 

Waxyaabahan ayaan muhimadda siinayaa: Waxay ka tarjumayaan sheekada aan ka maqlo xaafadaha aniga oo isu keenay 500 oo saxiix si aan u diiwangeliyo musharaxnimadeyda. 

  • Horumarinta xarumaha lagu madadaasho, dhulka lagu lugeeyo, goobaha lagu ciyaaro, suuliyada goobaha, goobaha dabaasha, iyo barnaamijyada dhalinyarada ee jardiinooyinka xaafadaha. Waxa ay laf dhabar u yihiin nidaamka jardiinooyinka ee la jeclaado.

  • U diyaarinta jardiinooyinkeena isbedelka cimilada ee lagu soo bandhigay Qorshaha Naqshadda ee Hiawatha Golf Course iyo daryeelka dhirta jardiinooyinkeena iyo waxyaabaha kale ee dabiiciga ah.

  • Xaafadaha oo loo fududeeyo tegitaanka dhulka lagu nasto, xitaa haddii aanay heysan gawaari ama aysan gaari wadan-ha ahaadaan dhalinyaro, qoysas, dad waaweyn iyo dad naafo ah. Waxa aan la shaqeynayaa gaadiidka dadweynaha, kooxda bushkuleetiyada, iyo saraakiisha magaalada si taas loo gaaro.

  • In aan ka jawaabo iimeylada iyo telefoonada aad soo dirtaan, ka qeyb qaato dhamaan kulamada gudiga maamulka, oo aan ka qeyb geliyo xaafadaha arrimaha la xiriira jardiinooyinka.

 

Aniga oo ah waalid ilmihiisa si joogta ah u geeya jardiinooyinka, waxa aan ogsoonahay in bulshada aan si siman loogu adeegin jardiinooyinka.   xaafadaheenu waa in ay wakiil ku yeeshaan kaasoo qaada talaabooyinka lagu dhisayo nidaam jardiinooyin oo u adeega caruurteena iyo dadka waaweyn ee dhaqanka ku kala duwan ama ka saara kala qeybsanaanta oo wajaha taxadiyada ka hor yimaada koox ahaan.    Marka si hagaagsan loo maamulayo goobaha lagu nasto, waa marka dadku ku madadaalanayaan oo ay ku raaxeysanayaan.